Bogga Rasmiga ah ee Maxkamadda Sare Dawladda Puntland
HAY’ADDA GARSOORKA PUNTLAND
Hay’adda Garsoorka Puntland waa hay’ad dastuuri ah oo mas’uul ka ah hirgelinta caddaaladda, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta iyo ku dhaqanka sharciga. Dastuurka Dawladda Puntland wuxuu Garsoorka u aqoonsan yahay mid ka mid ah qaybaha aasaasiga ah ee Dawladda, iyadoo awooddiisa iyo qaab-dhismeedkiisana si gaar ah loogu qeexay qaybta afraad ee Dastuurka, gaar ahaan Qodobka 89aad.
Garsoorka Puntland wuxuu ku shaqeeyaa iyadoo la dhowrayo Shareecada Islaamka, Dastuurka iyo xeerarka dalka. Mabda’a sarraynta sharciga ayaa dhigaya in sharcigu ka sarreeyo qof kasta, dhammaan hay’adaha Dawladdana ay waajib ku tahay inay u hoggaansamaan sharciga.
Mabaadi’da Garsoorka & Himilada Hay’adda Garsoorka
Mabaadi’da Garsoorka
Garsoorka Puntland wuxuu ku dhisan yahay dhowr mabda’ oo aasaasi ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin: • Madaxbannaanida Garsoorka. • U hoggaansanaanta sharciga. • Sinnaanta dadka sharciga hortiisa. • Xaqa qof kasta u leeyahay inuu dacwad ka furo maxkamadda awoodda u leh. • Xaqa qofku u leeyahay inuu iska difaaco maxkamadda horteeda. • Dhageysiga dacwadaha oo mabda’ ahaan u furan dadweynaha. • In dhinacyada dacwaddu khusayso la siiyo fursad ay ku soo bandhigaan gartooda. • In aan la burin karin ama la diidi karin xukun maxkamadeed haddii aysan maxkamad ka sarreysa beddelin ama tirtirin. Mabaadi’dan waxay saldhig u yihiin kalsoonida dadweynaha iyo xaqiijinta caddaalad loo siman yahay.
Himilada Hay’adda Garsoorka
Hay’adda Garsoorka Puntland waxay ku hawlan tahay xaqiijinta caddaalad, sinaan, madaxbannaani iyo ku dhaqanka sharciga, iyadoo u adeegaysa muwaadiniinta iyo bulshada Puntland. Ujeeddadeedu waa in la helo nidaam garsoor oo hufan, madax-bannaan, la isku hallayn karo, isla markaana si siman u ilaaliya xuquuqda dadka iyo danaha guud, iyadoo go’aannada garsoorku ku dhisan yihiin Shareecada Islaamka, Dastuurka iyo xeerarka dalka.

Fariinta
Guddoomiyaha Golaha Sare ee maamulka Garsoorka ahna Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.
Garsoorku waa tiir muhiim u ah dawladnimada, ilaalinta sharciga, dhowrista xuquuqda muwaadiniinta iyo sugidda caddaaladda. Guddiga Sare ee maamulka garsoorka waxaa ka go’an xoojinta madax-bannaanida garsoorka, tayeynta adeegyada maxkamadaha, xeer-ilaalinta iyo in muwaadin kasta uu helo garsoor hufan, dhexdhexaad ah oo ku salaysan sharciga. Waxaan mudnaanta siinaynaa tayeynta garsoorayaasha, xeer-ilaaliyeyaasha iyo shaqaalaha kale ee garsoorka, casriyeynta maamulka dacwadaha, adeegsiga tiknoolajiyadda, hufnaanta , isla-xisaabtanka iyo xoojinta wada-shaqaynta dhammaan hay’adaha caddaaladda. Caddaaladdu waa aasaaska nabadda, horumarka iyo dawladnimada.
Waxaan mahadnaq gaar u soo jeedineyna Madaxweynaha Dawladda Puntland oo si gaar ah ugu hawlgala tayeenta garsoorka dhan kasta iyo u helidda dhismeyaal cusub qurxoonna kuna habboon shaqada garsoorka.
Tilmaamaha Madaxweynaha oo ku wajahan garsoorka waxaa ka mid ah: Haddii garsooreyaasha, xeer-ilaalyeyaasha, garyaqaannada, qareennanada, baareyaasha iyo dhammaan ciidanka u xilsaaran daryeelka caddaaladda la dagaalamaan xaqdarrada, musuqmaasuqa iyo wixii xun oo dhan waxay dalkooda u soo hoyinayaan sharaf aad iyo aad u sareysa waxayna sumcad, tixgeli iyo ammaan qaali ah ku yeelanayaan dadweynaha Puntland oo dhan.
Waxaan farriinteyda ku soo gabagabeynaya ammaan iyo boogaadin aan u soo jeedinayo dhammaan garsooreyaasha, xeer-ilaaliyaasha iyo shaqaale kale ee dawladda Puntland oo xilweyn iska saarey taabbagelinta shaqada garsoorka dawladda anigoo ku hanweyn in wixii xumaaday la saxi doono dibna u soo noqon doonin.
Xasan Yuusuf Nuur
Guddoomiyaha Golaha Sare ee Garsoorka ahna
Guddoomiyaha Maxkamadda sare Dawladda Puntland